Ogaalka iyo Fahamku waa labo eray oo xidhiidh leh ase macne ahaan iyo luxdanaan ahaanba kala duwan.
OGAAL (Knowing)
Ogaalku, wuxu tilmaamaa in qofku arrin, shay ama mowduuc uu ka hayo wacaal (information) iyo xaqiiqooyin (facts) kooban. Waa xaalad (state) iyo marxladad (stage) uu qofku ogaal iyo wacyi u leeyahay daahirka kore ee shay ama mowduuc. Waxaa badi ogaalka lala xidhiidhiyaa xasuusta iyo in qofku horay kasoo tuuri karo macluumaad, xogo iyo xaqiiqooyin aan dhammaystirnayn, ama maahee, aanu qofku aqoon iyo fahan sidaa usii ridan u lahayn.
Sidaa daraaddeed, ogaalku, wuxu diiradda saaraa haynta uu qofku hayo ama xafidsan yahay macluumo ku saabsan mowduuc ama shay, laakiin ogaalku faham ma tilmaamo.
Tusaale, haddii uu qofka og yahay in July 24, 1948 uu Ingiriisku Itoobiya ku wareejiyay Deegaanka Soomaalida (Ogaden), wuxu hayaa macluumo iyo xaqiiqo ku saabsan in Ingiriisku Itoobiya ku wareejiyay Deegaanka Soomaalida July 24, 1948, Laakiin ma fahamsana sababta.
FAHAMKA (Uderstandining)
Fahamku se, wuu dhaafsiisan yahay aqoonta soke ee qofku shayga ama mowduuca u leeyahay. Qofku markuu moduuc fahansan yahay, kaliya ma hayo wacaal iyo xaqiiqo, wuxu sidoo kale leeyahay fahan luxdan oo uu ku garan karo macneyaasha hoose, mabaadi’da bud-dhigga u ah iyo arrimaha kale ee xidhiidhka la leh mowduucaa.
Fahmiddu waxay qofka ka dalabtaa dhugmo iyo awood uu isugu xidhi karo faraaraha fikradda iyo wacaalka filiqsan ee mowduuca. Sidoo kale, wuxuu awood u leeyahay in uu dul saari karo oo Ku dabbaqi karaa xaalado kale duwan (Different context).
Qofku kolka uu moduuc ama shay fahamsan yahay, wuxu awood u leeyahay in uu sharxi karo, tarjumi karo, sidoo kalana macne u samayn karo waxan uu ogaaday.
Haddii aynu tusaalaheennii hore mar kale soo qaadanno, qofka aan kaliya ogayn ee fahamsan sababta loo bixiyay Deegaanka Soomaalida July 24, 1948, wuxu fahansan yahay degel-siyaasadeedkii (geopolitics) xilligaa geeska ka jiray iyo loollannadii ka dhexeeyay quwadihii is hayay. Wuxu fahansan yahay wixii uu Ingiriisku ku baddelanayay dhulkan uu bixyay. Wuxu fahansan yahay in aan haddiyad ahaan Itoobiya dhulka loo siine, ay Itoobiya ahayd awood ka mida guumaysteyaashii Soomaalida qaybsanayay. Wuxu fahamsan yahay in Itoobiya ay haysatay hub badan oo ay ruushka iyo faransiisku siiyeeen, sidaa daraaddeedna uu Ingiriisku ka badqin qabay in boqor Mililk uu hub siiyo Mahdigii Suudaan oo xilligaa Ingiriiska la dagaallamayay. Wuxu fahansan yahay xidhiidhka ka dhexeeya wareejinta dhulkaa iyo siyaasaddii shiidaalka ee uu Maraykanku xilligaa ka lahaa Deegaanka Soomaalida.
Sii kooban, ogaalku (knowing) waa haynta uu qof shay ama mowduuc ka hayo xog iyo wacaal, halka fahmiddu (understanding) ay tahay in waxaa la ogaaday aqoon qoto-dheer loo sii yeesho iyo qofka oo awood u yeesha in uu isku xiho darfaha mowduuca, sidoo kalana uu si macnaysan u dhaqan gelin karo.