Courses

  • Home
  • Article
  • Guurku wuxu leeyahay figo (peaks) iyo Dooxooyin (Valleys)

Guurku wuxu leeyahay figo (peaks) iyo Dooxooyin (Valleys)

Guurku, si la mida nolosha kalaba, wuxu leeyahay xilliyo farxaddu qanjaha ku joogto oo wax waliba ku socodaan si aad u qurxoon. Wuxu sidoo kale leeyahay xilliyo labada qof ay la soo dersaan khilaaf iyo niyad-jab, waana caadada guurka, iyo guud ahaanba nolosha oo idil. Waxba sidooda iskama ahaadaan. Waa sunno Rabbi oo uu Alle kownka u dhigay. Waxaa se muhiima in lammaanuhu dareensanaadaan in xilliyadaa isbad-baddelaya ay qayb ka yihiin uun safarkaa dheer ee nolosha guurka. Labada xilliyood ba, waxaa ku lammaan casharro ay tahay in laga faa’iidaysto. Xilliga mushkiladaha iyo khilaafaadku jiraan, waa xilli muhiima. Walow labada qof isu cadhaysan yihiin oo laga yaabo in ay qalbi ahaan kala fogaadeen, hadana waa xilliyada ugu badan ee ay labada qof midba midka kale wax kasii barto. Waa xilli qof waliba uu naftiisa iyo waxa ka cadhaysiiya uu sii barto. Imaanshaha muhskiladuhu waxay is baraan dadka oo midba ka kale ayuu wax ka baranayaa. Haddii khilaafkaa iyo xaaladahaa soo wajahaya ay ka wada hadlaan oo ay wada maareeyaan, xidhiidhkoodu wuu kasii xoog bataa sidii uu ahaa intii aanay dhibaatadaasi soo wajihin ka hor. Taa cagsigeeda, xilliga ugu badan ee ay abuurmaan midhaha mushkiladaha lammaanahu, waa xilliga ay isku wanaagsan yihiin ee la isku faraxsan yahay, waayo waa la is dhigtaa. Aadanuhuna, dabiiciyan, xilliga uu ladan yahay wuu illowsho bataa, waxyaabaha ka saari kara ama xumayn kara xaaladdaa wanaagsan ee uu ku jirana, badi wuu ka indho saaban yahay.

Kolkaa waxa haboon in lammaanuhu aanay is dhigan marka ay barwaaqaysan yihiin ee uu xaalkoodu wanaagsan yahay, waayo khaladka la galo xilliga la isku faraxsan yahay ee fikta sare la joogo, waxaa dhasha mushkilaadka cilaaqada lammaanaha hoobad geliya ee dooxada keena. Xilliga dooxada la joogi ee uu khilaafku jirana, ha wada baasaysan, waayo, luxdanaan-cilaaqo (deep relationship) ayuu horseedaa haddii aan afka la isku buurin uun’e, ee laga wada hadlo mushkiladda jirta iyadoo la isku  dhagaysanayo niyad wanaagsan.

Share the Post: