Courses

  • Home
  • Article
  • Qaar ka mida Sillan-suganta Nolosha (The Paradoxes of Life)

Qaar ka mida Sillan-suganta Nolosha (The Paradoxes of Life)

Sillan-sugantu, waa odhaah ama arrin dhinac u muuqda wax san oo sugan, dhanka kale marka laga eegana, u muuqda wax silloon. Waxaa ka muuqda is-diiddo iyo iska horimaad. Waa wax kolka aad kor ka eegto, sax iyo wax sugan kuula muuqanaya, haddaad usii fiirsatana aad ogaanayso in ay cagsiga tahay, dhanka kalana, waa wax kolka aad korka ka milicsato aad is-diidsiinayso, marka aad sii muudsato oo aad sii daymootana aad ogaanayso in ay run badani ku jirto. Sillan-sugantu, kolka ay suugaanta joogto, waa qalab qurux badan, oo la adeegsado, oo maansada muunad u yeela, halkan se, waxaan u adeegsan doonnaa hab mandiqa iyo  maan-galka (logic) la xidhiidha.

Sillan-suganta Doorashada (The Paradox of Choice)

Haysashada uu qofku haysto waxyaabo badan oo uu kala dooran karo, waxay inoogu muuqataa in ay tahay wanaag iyo inaan helnay ikhtiyaaraad badan oo aan kala dooran karno, hase ahaatee, waxay keensataa dhib go’aan qaadasho iyo in ay qofka ku adkayso in uu wax kala dooran kari waayo. Tusaale, marka uu qofku tago meherad oo uu rabo in uu soo iibsado daawada cadayga, oo uu arko 10 nooc (brand) oo Colgate ah, waxaa ku adkaanaysa kala doorashada. Marka uu qofku haysto waxyaabo badan oo uu kala doorto (options)  waxay siisaa ikhtiyaaraad, sidoo kalana waxay ku keentaa in ay awooddiisa kala doorasho curyaamiso. Waxay sidoo kale keentaa in ay hadhow yaraato qanacada uu ku qabayo midka uu doortay, maaddaama uu 9 ka nooc ee kale ee uu ka tagayba uu is leeyahay waxbay ku wanaagsan yihiin.

Sillan-suganta waxbarashada (The Paradox of Learning)

Mar wal oo aan wax sii korodhsanno oo aan wax sii baranno, waa mar kasta oo aan sii ogaanayno inta yar ee aan og nahay iyo inta badan ee aynaan ogayn. Maah Soomaaliyeed baa ahayd: marka aad buur u baxdo, ayay buuro kale kuu soo baxaan. Mar wal oo aad aqoonta sii dhadhamisaba, baahideeda ayaa kugu sii badata. Sidoo kale, Mar wal oo ay sii luxdanaato fahanka aad arrin ama mawduuc u leedahay, waa mar wal oo ay kugu dhashaan waydiimo intii hore ka badan.

Sillan-suganta daba-orodka

Mar wal oo aad wax erayato ama aad daba-oroddo, waa mar wal oo ay kaasii fogaanayaan. Waxyaabo badan, sidaan u daba orod is leenahay ee aan u raacdanayno, ayaad dareemaysaa sida ay iyaguna kaaga sii ordayaan. Waxayna ugu soo daran tahay marka aad daba-oroddo wax aadane gacntiisa ku jira sida magac, mansab,  maal iyo jacayl aad isaga u qabtaba ha ahaadee. Waxayba marar badan ku shaqaysaa cagsigeeda, oo mar wal oo aadan aadane daba ruclayn, qiimahaaga qofnimana aadan ku xidhin, ee aad shaqadaada uun qabsato, waa mar wal oo aad iyaga soo jiidanayso. Mar wal oo aad wax aadane gacantiisa ku jira aad ka maaranto, waa mar wal oo ay igu kuu imaanayaan.  Nabiguna waa tuu xaddiis ku tilmaamayay:

ازهد فيما عند الناس يحبّك الناس

Ka saahid waxa dadka agtooda yaal (Magac, maal, muunad, maal, IWM, dadku iyagaa ku jeclaanayee.

Sillan-suganta la heli-ogaanta (The Paradox of Availability)

Mar wal oo uu shay agtaada ka noqdo wax la heli og yahay, waa mar wal oo ay yaraanayso danaynta aad usii haynayso. Mar wal oo uu shay noqdo buux ama wax la heli karo, adna rabitaankiisa iyo danayntiisu way kugu sii yaraanaysaa. Waayo, aadanuhu, wuxu leeyahay xaglin (bias) u janjeedha qiimo u yeelidda waxa gabaabsiga ah ama heliddiisu adag tahay, walow aan si ogaal li’i ah aan u jecel nahay waxa la heli karo.

Sillan-suganta xidhiidhka (The Paradox of Connection)

Mar wal oo aynu xidhiidhka aan dadka kale la leennahay sii badino, waa mar wal oo uu qofku cidlo iyo kelinimo dareemayo. Walow uu aadanuhu yahay noole bulshay ah oo uu u baahan yahay in uu cid kale la xidhiidho, haddana, mar wal oo uu badsado xidhiidhkaa uu dadka kale la leeyahay, waxaa sii luma xidhiidhka uu isagu naftiisa la leeyahay, taasoo sababta in uu naftiisa  agteeda cidlo ku dareemo. Dunida aynu maanta ku nool nahay, oo ay jirto habab iyo waddooyin badan oo uu aadanuhu isugu soo dhawaaday xidhiidh ahaan, haddana, daraasaadku waxay tilmaamayaan in labaatankii sano ee ugu dambayeeyay,  ay korodhay cidlanimada iyo kelinimada ay dadku dareemayaan.

Share the Post: