Courses

  • Home
  • Article
  • Farqiga u Dhexeeya Mutacallinka iyo Aqoon yahanka

Farqiga u Dhexeeya Mutacallinka iyo Aqoon yahanka

Mutacallin (Qof wax-bartay/an Educated Person) iyo aqoon yahan (musaqif/intellectual), waa labo qof oo badi dadku moodaan in ay isku mid yihiin, laakiin waxyaabo badan ku kala duwan. Khaladkaa la isku khaldana ay marar badan keento filashooyin-jahwareersan.

Mutacallinka

Mutacallinku ama qofka wax bartay, waa qof leh aqoon iyo xirfado, aqoontaasoo uu ku kasbaday nidaam waxbarasho (iskuul, tababbar, jaamacad) ama hab uu isaguba wax isku baray.  

Aalaaba, mutacallinku, wuxu haystaa shahaado dugsi sare iyo mid jaamacadeed (Bachelor, masters, ama Phd)

Mutacallinku, wuxu aalaaba leeyahay taqasus gaar ah oo uu bartay sida: dhaqtarnimo, injineernimo, macallinimo, cilmu nafsi, dhaqaale, luqad  ama mid ka mid ah culuumta iyo funuunta shareecada.

Aqoon yahanka

Aqoon yahanku se, (intellectual), shardi uma aha in uu jaamacad ka soo baxay oo uu shahaado sare haysto – wuu haysan karaa, hadduu doonana, wuxu noqon karaa qof isagu wax is baray oo aan nidaam waxbarasho soo marin.

Waxa dhici karta in uu taqasus leeyahay oo uu bartay mid ka mida culuumta uu mutacallinku bartay, waxaa sidoo kale laga yaabaa in aanu taqasus gaar ah ba lahayn oo aanu jaamacad soo dhigan.

Aqoon yahanku, wuxu leeyahay waxyaabo badan oo uu mutacallinku leeyahay, waxa uu se  aqoon yahanku kaga duwan yahay mutacallinka oo uu dheer yahay tilmaamo ay ka mid yihiin dhowrkan arrimood ee soo socda:

Aqoon yahanku, waa qof door muuqda ku leh majaalka caamka ah (public sphere). Maxaan uga jeedaa? Halka mutacallinku, cilmigii uu soo bartay ama taqasuskiisa uu kaliya kaga xoogsanayo,  aqoon yahanku, ogaalka iyo aqoonta uu gaadhay wuxu door muuqda kaga qaataa arrimaha bulshada. Masalan, haddii uu dhaqaale bartay, kaliya kuma xoogsado’e, wuxu isku dayaa in mashkiladaha dhaqaale ee bulshadiisa haysta uu tilmaamo, isla jeerkaasna uu xuluul u raadiyo.

  1. Aqoon yahanku, wuxu leeyahay xis iyo caqli naqdineed oo isku hawla in uu fahmo, falkiyo oo furfuro mashkiladaha bulshadiisa.
  2. Waa qof aqoon iyo fahan u leh diinta, afka, hiddaha, dhaqanka, taariikhda, waaqica iyo waayaha ummaddiisa oo aan ahayn qof dhaqan iyo saqaafad cid kale uun xambaarsan.
  3. Wuxu leeyahay door wacyi-galineed. Wuxu af ama qoraal bulshada ugu soo gudbiyaa qaddaayaadka muhiimka ah ee uu aamminsan yahay iyo meelaha uu u arko in ay bulshadu ka dhutinayso sida: waddaniyadda, diinta, akhlaaqda iyo qiyamka, si uu u raadeeyo wacyiga bulshadiisa.
  4. Wuxuu leeyahay mawaaqif akhlaaqi ah oo uu difaaco. Ma aha qof ay masaalixda iyo mabaadi’du isaga dhex laaqan yihiin. Dulmigu waa u dulmi, cid wal oo samaysaba – aabbihiiba ha ahaadee. Waa qof u istaaga waxa uu aaminsan yahay ciddii doonaysaba haka hor timaaddee, hadday doonaanba reerkiisa iyo xisbigiisaba ha ahaadeene.

Ugu dambaynb, aqoon yahanku, wuxu leeyahay tilmaamahaa iyo tilmaamo kale oo badan oo uu kaga duwan yahay mutacallinka, Phd ba ha haystee. Mushkiladdu se waxa ay dhacaysaa, kolka ay labadoodu isaga kaa laaqmaan ee aad qof wax bartay, se aan aqoon yahan ahayn aad ka filato in uu yeesho calaamadaha aqoon yahanka, hadhowna aad tidhaahdo, dadkan Phd -da wada haysta ee jaamacadaha caalamka wax ka dhiga, maxay dalka iyo dadka wax uga baddeli la’yihiin? Mutacallin wax ma baddalo, oo wax ma saameeyee, aqoon yahanka ayaa fahanka iyo wacyiga bulshada raadeeya oo baddela.

Share the Post: