About
- Home
- About
About Me
Waa kuma Mubaarak Haadi
Mubarak Hadi, waa qoraa, tababbare iyo daaci ku nool dalka Maraykanka. Wuxu waxbarashadiisii jaamacadeed ku qaatay isla dalka Maraykanka isagoo bartay cimiga bulshada & cilmu nafsiga. Wuxu tababare iyo yahay mid ka mid ah aasaasayaasha Machadka Horumarinta Awoodaha Aadanaha ee PHD Center oo ay xaruntiisa tahay dalka Maraykanka.
Mubarak Hadi, waa qoraa leh labo buug oo uu ka mid yahay “Garaadso Intaadan Guursan” oo gayiga soomaalida caan ka ah. Buuggiisa ugu dambeeyay waxa la yidhaahdaa “Khaladaadka Barbaarinta.”
10 kii sano ee lasoo dhaafay, wuxu ku hawlanaa majaalka tababbarka iyo tadriibka, isagoo tababarro iyo talooyinna siiyay boqollaal qof. Wuxu sidoo kale leeyahay maqaallo iyo muuqaallo door ah oo la daawaday in ka badan 50 million oo jeer.
