Knowing iyo Understanding maxay ku kala Duwan yihiin?

Ogaalka iyo Fahamku waa labo eray oo xidhiidh leh ase macne ahaan iyo luxdanaan ahaanba kala duwan. OGAAL (Knowing) Ogaalku, wuxu tilmaamaa in qofku arrin, shay ama mowduuc uu ka hayo wacaal (information) iyo xaqiiqooyin (facts) kooban. Waa xaalad (state) iyo marxladad (stage) uu qofku ogaal iyo wacyi u leeyahay daahirka kore ee shay ama […]
Qaar ka mida Sillan-suganta Nolosha (The Paradoxes of Life)

Sillan-sugantu, waa odhaah ama arrin dhinac u muuqda wax san oo sugan, dhanka kale marka laga eegana, u muuqda wax silloon. Waxaa ka muuqda is-diiddo iyo iska horimaad. Waa wax kolka aad kor ka eegto, sax iyo wax sugan kuula muuqanaya, haddaad usii fiirsatana aad ogaanayso in ay cagsiga tahay, dhanka kalana, waa wax kolka […]
Farqiga u Dhexeeya Mutacallinka iyo Aqoon yahanka

Mutacallin (Qof wax-bartay/an Educated Person) iyo aqoon yahan (musaqif/intellectual), waa labo qof oo badi dadku moodaan in ay isku mid yihiin, laakiin waxyaabo badan ku kala duwan. Khaladkaa la isku khaldana ay marar badan keento filashooyin-jahwareersan. Mutacallinka Mutacallinku ama qofka wax bartay, waa qof leh aqoon iyo xirfado, aqoontaasoo uu ku kasbaday nidaam waxbarasho (iskuul, […]
Maxay ku kala Duwan yihiin Education iyo Knowledge?

Labadan eray ee waxbarasho (education) iyo aqoon (knowledge), waa labo eray oo xidhiidh leh, ase fikrad ahaan kala duwan. WAXBARASHO (EDUCATION) Waxbarashadu waa hannaan rasmi ah (formal) oo uu qofku ku kasbanayo aqoon, xirfado, qiyam iyo maan-hag (attitude), hab-kasbashadaasoo leh haykal (staracture) iyo nidaam waxbarineed. Waxbarashadu, sida caadiga ah, waxaa lagu dhigtaa goobo u gaar […]
Maxay ku kala Duwan yihiin Hidde iyo Dhaqan?

DHAQAN: Dhaqanku waa eray dalladeed ay ku hoos jiraan gebi ahaanba hab-nololeedka ay bulsho meel wada deggani leedahay. Hab-nololeedkaasi waxa ka mida ah, diinta, akhlaaqda, aqoonta, qiyamka, caadaadka, taqaaliidda, hu’, hoy, fan iyo farshaxan, iwm. Dhaqanku waa dhaynaamik, isla jeerkaasna kakan (complex) oo faraarihiisu ay isku hoos iyo kor jiraan. Sidoo kale, dhaqanku waa sida […]
Guurku wuxu leeyahay figo (peaks) iyo Dooxooyin (Valleys)

Guurku, si la mida nolosha kalaba, wuxu leeyahay xilliyo farxaddu qanjaha ku joogto oo wax waliba ku socodaan si aad u qurxoon. Wuxu sidoo kale leeyahay xilliyo labada qof ay la soo dersaan khilaaf iyo niyad-jab, waana caadada guurka, iyo guud ahaanba nolosha oo idil. Waxba sidooda iskama ahaadaan. Waa sunno Rabbi oo uu Alle […]